Shirka waxa guddoominayey Guddoomiyaha HSHD Mudane Khalid Jama Qodax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee HSHD mudane Khalid Mirre Nouh iyo qaar kamida agaasime waaxeedyada HSHD
kulan-hawleed ay ka soo qaybgaleen dhamaan agaasime waaxeedyada Haya’adda Shaqaalaha Dawladda. Kulankan oo qayb ka ah kulamo joogto ah oo looga gol leeyahay dardar gelinta hawlaha shaqo ee Hay’adda Shaqaalaha ayaa waxa diiradda lagu saaray dib u eegista iyo qiimaynta halka ay marayso hirgelinta 16 ka siyaasadood iyo habraac ee maamulka shaqaalaha dawladda. 
Guddoomiyaha ayaa sheegay in fulinta siyaasadahaas iyo habraacyadaasi ay aasaas u yihiin dardar gelinta hawlaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo kor u qaadista tayada maamulka shaqaalaha dawladda. 
Waxa halkaa laga soo jeediyay qiimayn laga sameeyay halka ay marayaan siyaasadahaasi iyada oo mid mid la isu dul taagay si gaar ahna looga dooday heer fulineed ee siyaasad iyo habraac kasta iyo arrimaha la xidhiidha. Waxa kale oo halkaa lagu lafaguray Arrimaha la xidhiidha is waafajinta xeerka shaqaalaha dawladda iyo siyaasadahaas. 
Ugu dambayn waxa la isla qaatay in waax waliba dib ugu noqoto siyaasadda iyo habraaca khuseeya, isla markaana qiimayn rasmi ah laga soo sameeyo dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, iyada oo wixii soo jeedin iyo talooyin ahna halkaa lagu lafa guri doono. 
Shirka waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.  
 
Baraha Bulshada 
facebook