1993kii, iyada oo aasaaskeedu waafaqsan yahay Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland .
Hay’addu waxa ay u taagan tahay dhismaha, tababarka, daryeelka, xaqsiinta iyo dabagalka
shaqada iyo shaqaaalaha dawladda guud ahaan.
Ujeeddooyinka ay u aasaasantahay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu
waa kuwan hoos ku xusan:
-
Horumarinta Siyaasaddaha Shaqaalaha Dawladda
-
Shaqaalaysiinta, Dallacsiinta, Hoos udhigidda iyo Anshax-marinta Shaqaalaha Dawladda
-
Qabashada iyo Qiimaynta Imtixaanno Daah-furan
-
Kor-joogtaynta Bixinta Adeegyada Xarumaha/Xafiisyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda iyo
-
Talo ka siinta Madaxwaynaha Arrimaha Khuseeya Adeegga Dadwaynaha ee ay bixiyaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu
Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay sidoo kale Masuul ka tahay diyaarinta iyo soo gudbinta Mushaharaadka Shaqaalaha Dawladda iyo Faa’iidooyinka kale ee la hal maala.
Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay ka hawlgashaa Xafiisyana ku leedahay Dhammaan
Xarumaha Gobollada JSL ee Saaxil, Awdal, Tog-dheer, Sool iyo Sanaag.
Himilada (VISION)
In Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ay noqoto mid si caalamiya loogu aqoonsado xarun sharafeedka bixisa heerka ugu sarreeya ee adeegga dadweynaha kaas oo ay bixinayaan xirfadlayaasha, khubarada iyo cududda shaqaalaha ee dalkooda jecel.
Hiigsiga (MISSION)
In la tayeeyo adeegga shaqada iyo shaqaalaha dawladda, xidhiidhka shaqaalaha, hoggaanka,
horumarinta hay’adaha dawladda kuwaas oo joogtaynaya isla markaana kor u qaadaya adeegga
dadweynaha ee Jamhuuriyada Somaliland.
MABAADII’DA AASAASIGA AH
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda waxa haga waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayso mabaadii’iyo qiyam Sarreeya oo lagu ilaaliyo shaqada iyo qiyamka guud ee uu farayo dastuurka iyo sharciga
shaqaalaha dawladda, mabaadii’da aasaasiga ah ee Hay’adda Shaqaalahana waxa ka mid ah:
- Isku Duubni Danta Guud oo Laga Horumariyo Danta Gaarka ah
- Daacadnimo Dadweynaha oo loogu adeego si daacad ah
- Hadaf In Hadaf Isku Mid ah loogu Adeego Dadweynaha iyo Gobollada Dalka
- Dhexdhexaadnimo In dadweynaha loogu shaqeeyo si siman – Go’aan Qaadashadana lagu saleeyo xaqiiqooyin ama caddaymo
- Xirfad In Si Xirfadi Ku Dheehan Tahay oo Heerkeedu Sarreeyo Loo Guto Waajibaadka iyo Gaadhsiinta Adeegga
- Hufnaan Danta Guud oo Laga Horumariyo Danta Gaarka ah
- Waddaniyad In la muujiyo dareen waddaniyadeed iyo aqoonsi shakhsiyadeed oo ah muwaaddin Somaliland u dhashay
- Sinnaan iyo cadaalad In si siman loo qaybsado khayraadka iyo faa’iidooyinka ka soo
baxa barnaamijyada iyo mashaariicda ay waddo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, isla markaana si caddaalad iyo daah furnaan ah loogu tartamo boosaska shaqo ee banaanaada.