Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa saaka guddoomiyay shirka Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Shaqaalaha kaas oo dib u eegis iyo dhamaystir lagu samaynayay qabyo-qoraalka Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda iyo turjumaaddeeda afka Soomaaliga. 
 
Intii shirku socday ayaa Agaasime Waaxeedyadu ay la wadaageen maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda soo jeedintooda qabyo-qoraalka xeerka iyo waxyaalaha ay u arkayeen in dib loogu noqdo dhinaca turjumaadda si loo helo siyaasad qeexan oo ku qoran Af Soomaali la wada fahmayo. Guddoomiyaha iyo Agaasimaha guud ayaa iyaguna dhankooda soo bandhigay wixii ay dhokumentiga ku soo arkeen. 
 
Waxa halkaa la iskula qaatay in dib u sixid lagu soo sameeyo waxyaalaha u baahan, isla markaana hawshaas la soo dhamaystiro toddobaadka soo socda si markaa loogu gudbiyo Golayaasha ku shaqada leh oo ay waajibkooda uga gutaan.

#cscsomaliland2023 #HSHD #SLCSC #cscsomaliland #somalilandcsc #cscsl