24 September 2022 Waxa Maanta ay HSHD u qabatay Agaasimeyaasha Cududa Shaqaalaha Dawladda ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Qaranka "Tobabar ku Saabsan sida loo sameeyo shaqo qeexyada iyo shaqo-hawleedyada sida ku xusan xeerka shaqaalaha dawladda xeer LR 97/2022 qodobka 29aad.

Tobabarkan oo socon doona laba cisho ayaa waxa furay Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL Mudane Khalid Jama Qodax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee HSHD Mudane Khalid Mirre Nuh, bixinta tababarka waxa iska kaashanayay hay'adda Shaqaalaha Dawladda iyo Lataliyayaasha caalamiga ah oo ay ka mid ahaayeen Malcom Bell iyo Maxamed Ali Jama Gudoomiyaha SSG