Waxa Maanta hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ka qabsoomay shirkii joogtada ahaa ee maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 
 
Kulankan oo ay guddoominaysay Guddoomiye ku Xigeenka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission Ameina Hussein isla markaana uu ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khalid Mire Nuh ayaa waxyaalaha lagaga hadlay waxa ka mid ahaa:
 
  • Warbixin ku saabsan dib u eegista iyo qiimaynta qorshe-hawleedkii saddex biloodlaha ahaa ee January ilaa March 2023, kaas oo lagu lafaguray wixii qabsoomay iyo wixii caqabado ah ee ka hor yimid. 
  • Soo jeedinta warbixinta qiimaynta siyaasadaha iyo qaab-dhismeedka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda oo lagu falanqeeyay heerka dhaqan=gelinta siyaasadahaas iyo dhamaystirka qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. 
  • Soo bandhigidda warbixinta madax taabashadii shaqaalaha dawladda (Mini Audit Report) ee dhawaan dalka ka qabsoontay. 
 
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa isaguna sharraxaad ka bixiyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta dabagalka hawl-qabadka isaga oo u mahad celiyay cid kasta oo fulisay qorshaheedii hawl-qabadka kuna qabatay muddadii loo qorsheeyay. 
 
Ugu dambayn, waxa shirka si rasmi ah u soo xidhay Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, iyada oo kula dardaarantay masuuliyiinta shirka ka soo qayb gashay sidii loo xoojin lahaa la xisaabtanka shaqaalaha isla markaana la joogteeyo kormeerka iyo sugnaanta xaadiriska shaqaalaha dawladda.