Hargaysa:(CSC)- Munaasibabadda abaal-marinta shaqaalaha ayaa waxay ka qabsoomtay Hotel GRAND HADDI,waxaana kasoo qeyb-galay Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Gudoomiye Ku-xigeenka,Gudoomiyaha Hay’adda Maamul-wanaaga,shaqaale-weynaha Hay’adda iyo Marti-sharaf kale.
 
Abaal-marinta ayaa waxa la gudoonsiiyay saddex-qeybood oo ka mid ah hawl-wadeenadda Hay’adda,kuwaas oo iskugu jiray;
v Shaqaale qiimayn lagu sameeyay hawl-qabadkoodii sannadka ahaa.
 
v Shaqaale iyaguna xiliyo adag qabtay shaqooyin Laf-dhabar ah,kuwaas oo mararka qaar shaqeynayay in ka badan 18 saacadood.
 
v Iyo mid ka mid ah Saddexda Masuul ee ugu sareeya Hay’adda oo ay guddigu ku bogaadiyeen hogaamintiisa iyo hawl-karnimadda shaqo ee uu muujiyay.
 
Dhinac kalena,waxa sannadkan ku guulaystay shaqaalihii ugu hawl-qabadka wanaagsanaa sannadkii 2020-kii Axmed Xuseen Cabdi,kaas loo aqoonsaday inuu yahay shaqaaliihii ugu hawl-qabadka wanaagsanaa sannadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

 
@CSC MEDIA SECTION