06 July 2023 Waxa Maanta hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ka qabsoomay shirkii joogtada ahaa ee maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Kulankan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Mudane Khalid Jama Qodax isla markaana uu ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khalid Mire Nuh ayaa waxyaalaha lagaga hadlay waxa ka mid ahaa:
 
  • Warbixin ku saabsan dib u eegista iyo qiimaynta qorshe-hawleedkii lix biloodlaha ahaa ee January ilaa June 2023, kaas oo lagu lafaguray wixii qabsoomay wixii aan qabsoomin iyo wixii caqabado ah ee ka hor yimid.
 
  • Soo bandhigidda warbixinta qiimaynta adeegbixinta hay'adda shaqaalaha dawladda.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa isaguna sharraxaad ka bixiyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta dabagalka hawl-qabadka isaga oo u mahad celiyay cid kasta oo fulisay qorshaheedii hawl-qabadka kuna qabatay muddadii loo qorsheeyay.

Ugu dambayn, waxa shirka si rasmi ah u soo xidhay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, isaga oo kula dardaarantay masuuliyiinta shirka ka soo qayb gashay sidii loo xoojin lahaa la xisaabtanka shaqaalaha isla markaana la joogteeyo kormeerka iyo sugnaanta hawl-qabadyada shaqaalaha dawladda.

#cscsomaliland2023 #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc #Togdheer #Burao #Borama #Berbera #Lascanood #Sool #cscsl