Waxa saaka ku qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda xaflad lagu daah-furayay samaynta nidaamka casriga ah ee maamulka shaqaalaha dawladda ee loo yaqaanno (HRMIS). Xafladdan oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Agaasime Waaxeedayada Cududda Shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. 
 
Intii xafladdu socotay waxa lagu soo bandhigay muuqaallo sharraxaya qaabka uu noqonayo nidaamkan cusubi, qaybaha uu ka kooban yahay, sida uu ula shaqaynayo nidaamyada kale ee dalka ka jira, faa’iidooyinka uu u leeyahay qaranka iyo guud ahaan sida uu u shaqaynayo. 
 
Masuuliyiinta kulankan ka soo qayb-gashay ayaa iyaguna hadallo isugu jira su’aalo iyo soo jeedinno ka dhiibtay, iyaga oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda uga mahadnaqay dadaallada ay ku bixinayso kor u qaadista tayada maamulka shaqaalaha dawladda, isla markaana sheegay sida ay ugu heellan yihiin in ay si buuxda ula shaqaayaan, gaar ahaanna nidaamkan cusubi uu wax wayn ka tari doono wada shaqaynta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Agaasimayaasha. 
 
Ugu dambayn, Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo kulankaas soo xidhay ayaa u mahadnaqday masuuliyiinta ka soo qayb-gashay.

Guddoomiye ku xigeenku waxa ay sheegtay in samaynta nidaamkan cusubi uu yahay mid ka mid ah guulaha ugu waawayn eel aga gaadhay maamulka shaqaalaha dawladda, isla markaana culays badan oo saarnaa hay’adda shaqaalaha uu ka qaadi doono, isaga oo wax badanna fududayn doona. Guddoomiye ku xigeenku waxa ay u mahadnaqday cid kasta oo ka soo shaqaysay ama gacan ka gaysatay nidaamkan cusub, iyo sidoo kale Baanka Adduunka oo hay’adda shaqaalaha gacan ka siinayay hawshan.