26, February, 2023.
Waxa maanta Hoolka Shirarka ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ka qabsoomay kulan lagu Falanqaynayay dhamaystirka Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda 
 
Shirkan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda waxa ku weheliyay Guddoomiye ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda, waxaana goobjoog ka ahaa dhamaan Agaasime waaxeedyada Hay’adda Shaqaalaha. 
 
Intii shirkani socday waxa lagu falanqeeyay qabyo-qoraalka siyaasadda iyada oo mid mid la isu dul taagay qodobbada siyaasadda, si gaar ahna looga dooday hannaanka darajooyinka iyo heerarka mushaharaadka ee la xidhiidha ee ay siyaasaddu soo bandhigtay.