21 June 2023 Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission Mudane Khalid Jama Qodax wehelinayaan Gudoomiye Xigeenka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Amina Hussein Mohamoud iyo Agaasimaha Guud ee HSHD mudane Khalid Mirre Nouh ayaa saaka guddoomiyay kulan-hawleed ay ka soo qaybgaleen dhamaan agaasime waaxeedyada Haya’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Khabiirada Mashruuca dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda Kulankan oo qayb ka ah kulamo joogto ah oo looga gol leeyahay dardar gelinta hawlaha shaqo ee Hay’adda Shaqaalaha ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta Heerka Adeegsiga iyo Fulineed ee Qiimaynta 16 Habraac ee Maamulka Shaqaalaha Dawladda:-
 
Guddoomiyaha ayaa sheegay in fulinta hawlahan, siyaasadahaas iyo habraacyadaasi ay aasaas u yihiin dardar gelinta hawlaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo kor u qaadista tayada maamulka shaqaalaha dawladda.
 
#cscsomaliland2023 #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc