Hargaysa:(CSC)- Munaasibadda daah-furka diwaangalinta shaqaalaha Dawlada Hoose ee Hargaysa,ayaa waxay Saaka oo isniin ah 15-02-02021-ka ka qabsoomtay Hoolka Dawladda Hoose,waxaana kasoo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha,gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda,Maayarka Caasimada,Maayar ku-xigeenka,Xog-hayaha dawladda hoose,Komishanka Hay’adda shaqaalaha,Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshadda iyo masuuliyiin kale.
 
Ugu horayn,waxa halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargaysa,Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Sotelco,waxaana uu soo dhaweeyay in maanta si buuxda loo bilaabo diiwaan-galinta shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargaysa,gaar ahaana derajadda ‘A’ iyo ‘B’. Maayarku waxa uu tilmaamay in markay soo dhamaato diiwaan-galinta shaqaalahu ay soo bixi doonto shaqo-abuurka ballaadhan ee ay Dawladda hoose u hayso shacabka reer Somaliland,gaar ahaan kuwa Gobolka M/jeex iyo caasimadda Hargaysa.
 
Dhinaciisa,waxa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Maamulka goboladda iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha,Maxamed Cali Maxamed,waxaanauu hay’adda shaqaalaha dawladda ku ammaanay hawshan,isaga oo usoo jeediyay in guud ahaanba ay hay’addu gaadhsiiso degmooyinka kale ee dalka.
 
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aaddan Haybe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa masuuliyiinta dawladda hoose uga mahad-naqay wada-shaqeyntii wanaagnayd ee ay muujiyeen bilawgii hawsha iyo siday ugu heellanyihiin ilaa dhamaystirkeeda oo ay si weyn u gacan-siiyeen hawl-wadeenadda Hay’adda shaqaalaha Dawladda.
 
Gudoomiye Farxaan,waxa uu intaas raaciyay in faa’iidooyinka laga dhaxli doono sugista xogta shaqaalaha dawladaha hoose ay ka mid tahay;
 
v In si wanaagsan loo maamulo shaqaalaha dawlada Hoose ee Hargaysa.
v In la sugo xuquuqdooda shaqaale-nimo.
v In la tayeeyo adeeg-bixinta ay dawladda hoose bulshadda u hayso.
v Iyo in kor-loo-qaado aqoonta iyo kobcinta xirfaddeed ee shaqaalaha dawlada hoose.
 
Gabo-gabaddii waxa halkaasi ka hadlay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaraadda arrimaha gudaha,Cabdinaasir Caydiid Maxamed,waxaana ku war-galiyay Maayaradda 23-ka degmo doorasho ee dalka oo dhan inay hawshan laga qaban doono inta lagu gudo jiro sannadkan 2021-ka,isla-markaasna ay muhiim tahay inay Maayaraddu dalku si buuxda ugu diyaar-garoobaan hashaas.


 
@ CSC MEDIA SECTION