Munaasabadda 18 ka May awgeed, waxa aan halkan hambayo iyo bogaadin uga dirayaa dhamaan shaqaale weynaha dawladda iyo eheladoodaba, waxaanan u rajaynayaa in ay ku ciidaan badhaadhe iyo nabad qab. 

Shaqaalaha dawladdu waa halbawlaha dawladnimada waana mashiinka dhaqaajiya guud ahaan hannaanka dawladnimo ee dal leeyahay. Muddadii ay Somaliland jirtay waxa ay shaqaalaha dawladdu soo mareen marxalado kala duwan oo qaarkood ay aad u adkaayeen, waxaanay u dhabar adaygeen wax kasta oo ka hor yimid iyo duruuf kasta oo soo wajahday ilaa ay soo gaadheen heerka ay maanta taagan yihiin oo runtii ah wax lagu faano marka loo eego heerka dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo guud ahaan Geeska Afrika. 
 
Aniga oo og duruufaha jira, isla markaana ku kalsoon in halka aynu maanta taagannahay hore looga sii socon doono, haddana waxa aan maanta qirayaa in shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay yihiin kuwo leh aqoontii iyo xirfaddii looga baahnaa isla markaana adeegga bulshada ay gaadhsiinayaan u sannadba sannadka dambe ka sii wanaagsanaanayo. 
 
Dhinacayaga, waxa aanu mar walba ku dadaalaynaa in aanu qaadno tallaabo kasta oo kor loogu qaadayo aqoonta, xirfadda iyo heerka nololeed ee shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa aanu diyaarinnay xeerar, siyaasado iyo hagayaal loogu talalay in kor loogu qaado shaqaalaha iyo shaqada dawladda labadaba. Waxa aanu si gaar ah markii ugu horraysay u diyaarinnay Xeerka iyo Siyaasadda Hawl-gabka shaqaalaha dawladda, kaas oo ka caawin doona dadka gaadhay da’dii hawlgabku in ay guryahooda ku qaataan lacagtooda hawl-gabka, halkaasna ay fursadi uga soo baxdo dhallinyarada wax baratay ee dalka. Waxa aanu sidoo kale diyaarinnay Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda oo dawladda ka caawin doonta in shaqaaluhu ay helaan darajada iyo qaddarka mushahar ee ku habboon iyada oo la raacayo hagayaal loo dejiyay in hawshaas lagu maamulo. 
Intaas oo dhan iyo hawlo kale oo badan oo aanu wadnaaba waxa ay qayb ka yihiin kor u qaaddida tayada shaqo iyo ta shaqaalaha dawladda. Waxa aanu mar walba ku dadaalaynaa in aanu dadaalladaas sii wadno, siina kordhino annaga oo ku xisaabtamayna duruufaha lagu jiro, isla markaana geed dheer iyo geed gaabanba u fuulayna in qofka shaqaalaha dawladda ahi uu si caddaalad ah ku helo wixii uu xaq u leeyahay, lagana ilaaliyo wixii xad gudub ku ah. 
 
Waxa aan halkan ka qirayaa in maanta qaranku uu haysto shaqaale dawladeed oo uu ku faano haddii ay noqoto tayada iyo haddii ay noqoto aqoonta iyo xirfadda intaba, annaga oo ka shaqaynayna in weliba hore looga sii socdo halka la taagan yahay. 
 
Waxa aan mar kale hambalyo u dirayaa Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, eheladooda iyo qaraabadooda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan. 
 
Khaalid Jaamac Qodax
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda 
Jamhuuriyadda Somaliland