Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khaalid Jaamac Qodax oo ka mid ahaa guddidii heer qaran ee 18 May ee Gobolka Saaxil ayaa waxa uu fagaaraha Khayriyadda ee magaalada Berbera kala qayb galay kumannaan dadweynaha magaaladaasi xafladda xuska 18 May. 
 
Guddoomiyuhu Waxa uu ku boorriyay dadweynaha halkaas isugu yimid iyo guud ahaan Dadka reer Somaliland ba in la adkeeyo nabadda, wadajirka iyo horumarinta qaranka, isla markaana gacmaha la Isu qabsado ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, Isaga oo sidoo kale mahadnaq u jeediyey dhammaan shaqaalaha qaranka ee munaasibaddan ka qayb qaatay.