
Guddoomiyuhu Waxa uu ku boorriyay dadweynaha halkaas isugu yimid iyo guud ahaan Dadka reer Somaliland ba in la adkeeyo nabadda, wadajirka iyo horumarinta qaranka, isla markaana gacmaha la Isu qabsado ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, Isaga oo sidoo kale mahadnaq u jeediyey dhammaan shaqaalaha qaranka ee munaasibaddan ka qayb qaatay.