Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay weftiga ka socda Baanka Adduunka oo safar shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan ayaa lagaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Xeerka iyo Siyaasadda Hawl-gabka Shaqaalaha Dawladda iyo sidoo kale Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda oo dhawaan la filayo in si rasmi ah loo hor geeyo Golaha Wasiirrada si ay u ansixiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Wasiir ee Barnaamijka Dib u habaynta Shaqaalaha Dawladda ayaa werftida uga mahadnaqay wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Xukuumadda Somaliland iyo taageerada ay siiyaan barnaamijka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa isaguna tilmaamay muhiimadda ay xeerka iyo siyaasadda hawl-gabku qaranka u leeyihiin, isaga oo sheegay in ay ka hawl-gelayaan dhamaystirka hayaankan oo muddo soo socday.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa uga mahadnaqay wasiirrada iyo saraakiisha kaleba wakhtigooda isaga oo sheegay in dawladdu ay si buuxda uga hawl gelayso sidii loo ansixin lahaa siyaasadaha iyo xeerkaas ka dibna loo gudbi lahaa hirgelintooda oo iyaduna ah hawl aad u culus oo qaranka u taalla.