Hargaysa:(CSC)- Munaasibadda oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta,ayaa waxa kasoo qeyb-galay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Gudoomiyaha Hay’adda shaqaaalaha Dawladda,Gudoomiye Ku-Xigeenka Hay’adda Maamul-wanaaga,Agaasime Ku-Xigeenka Waaxda Qiimaynta hawl-qabadka shaqaalaha ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda,shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta iyo masuuliyiin kale.
 
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda oo halkaas khudbad dheer ka jeediyay ayaa bogaadiyay hannaanka qiimaynta loo maray,isaga oo tilmaamay in si buuxda loo dabaqay Hab-raaca Qiimaynta shaqaalaha ee uu Madaxweynaha Somaliland sexaaxay.
 
Agaasime Ku-Xigeenka Waaxda Qiimaynta hawl-qabadka shaqaalaha ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda oo isna halkaasi ka hadlay,waxa uu sheegay inay Waax ahaan qirayaan in hanaanka qiimayneed ee loo raacay 30-ka shaqaale ee iskugu jira Labo Agaasime Waaxeed hal Isuduwe iyo 27-ka shaqaale ee kaleba lagu salleeyay sharciga maaraynta hawl-qabadka shaqaalaha dawladda,isla-markaasna ay tahay mid cadaalad ah oo daah-furan.

 
CSC MEDIA SECTION