Hay’adda shaqaalaha ayaa qabatay kulan lagaga hadlayay Daraasad lagu samaynayo Tiknolojiyadda xafiisyda dawlada iyo sidii loo casriyayn lahaa. 
Kulankan waxa shir gudoominayay Agaasimaha guud ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Khalid Mirre Nuux waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday xafiiska u qaabilsan iskaashiga dalalka Taiwan iyo Somaliland, iyo shirkado caalamiya oo ka socday dalka Taiwan.

Waxaa iyaguna goobjoog ahaa qaar kamid ah Agaasime waaxeedada Hay’adda shaqaalaha. 
Falan qayn iyo wadahadal dheer ka dib waxa ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Madaxdii ka socotay xafiiska iskaashiga dalka Taiwan waxa isla qaateen in: 
 
Qodobada shirka: 
  • • In la xoojiyo sugida macmuumaadka xogta dawladda 
  • • Sidii kor loogu qaadi lahaa isku xidhka habka ay u shaqeeyaan habka iyo hanaanka ay xogta u wadaagaan xafiisyada dawladdu.
  • • Waxa kale oo ay masuuliyiinta dawlada Taiwan ay xuseen in ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknolajida ay ka taageerayaan in loo sameeyo meel lagu kaydiyo xogta dawladda oo xafidan.
  • • Waxa ay Dawlada Taiwan ay hore Somaliland uga caawinaysay sidii loo casriyayn lahaa nidaamka maamulka dawlada iyado la isticmaalayo habka casriga ah ee loo yaqaan E-Government 
  • • Ugu danbayn Agaasimaha guud ee Hay’adda shaqaalaha ayaa wuxuu ka warbixiyay xogta ay ku shaqeeyaan. 

Xogta casriga ah ee hay’adda shaqaalaha ayaa ah mid marxalado kala duwan soo martay, ugu horayntii waxaa ay hay’adda shaqaaluhu ku kaydin jirtay xogta shaqaalaha faylal, kadib 2019 kii ayaa waxaa loo sameeyey nidaam casri ah oo lagu diiwaan galiyey shaqaalaha. Nidaamkan casriga ah ayaa ah mid ku xidhan kaadhka aqoonsiga ee muwaadinka, isla markaana ah mid qofka la diiwaan galiyey farihiisa iyo indhihiisa si looga ilaaliyo caaglaha iyo khaladaadka kale. Waxaa kale oo uu agaasimuhu ka warbixiyey nidaamyada casriga ah ee imika samayntoodu socoto sida nidaamka maaraynta shaqaalaha, nidaamka hawlgabka iyo nidaamka waxbarashada fog (E-Learning)


Linkigan Hoose ka daawo sawiradii Shirka https://www.flickr.com/gp/cscsomaliland/zC8uP06y76