Agaasimaha Guud ee HSHD oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Degmada Saylac ee Gobolka Selel

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda (HSHD), Mudane Siciid Muuse Xoosh (Rooble), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26 May 2025 kormeer shaqo ku tagay degmada Saylac, oo ah xarunta gobolka Selel.

Kormeerkan shaqo waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Hay’addu ugu kuur-galayso heerarka adeeg-bixinta iyo xaaladaha shaqaalaha dawladdu ku sugan yihiin gobollada dalka.

Intii uu joogay Saylac, Agaasimaha Guud wuxuu kulan ballaadhan la yeeshay:

  • Guddoomiyaha Gobolka Selel, Mudane Cabdi Siciid Faahiye
  • Duqa Degmada Saylac, Mudane Maxamuud Cigaal Wacays
  • Isku-duwayaasha laamaha dawladda ee gobolka

 

????️ Ujeedada Kormeerka:

  • In la is-xogwaraysto oo si qoto dheer looga war helo xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha gobolka
  • In la qiimeeyo heerarka adeeg-bixinta ee hay’adaha dawladda ee gobolka
  • In la xoojiyo wada-shaqaynta iyo habsami u socodka maamulka heer gobol
“Si loo gaadho hufnaan iyo isla xisaabtan, waa in si toos ah loola kulmo xaaladda dhabta ah ee ka jirta xarumaha gobollada.”
Mudane Siciid Muuse Xoosh

???? La Soco Wararkayaga Rasmiga ah:

✍️ Qoraalka Waxaa Diyaariyey:

Maxamuud Maxamed Cawaale
Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Wacyigelinta
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda (HSHD), Jamhuuriyadda Somaliland

#HSHD #CSC_Som_