
Kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin halka ay marayso hannaanka ansixinta Xeerka iyo Siyaasadda Hawlgabka shaqaalaha dawladda iyo sidoo kale Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka shaqaalaha dawladda oo ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu beryahanba ku hawlanayd curintooda iyo dhamaystirkoodaba.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta ka dhaxaysa, isaga oo Baanka Adduunka iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ay iska kaashadaan barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo hawlo kale oo muhiim u ah Qaranka.
#cscsomaliland2023 #CSC2023 #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc