Waxa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda kulankii Guddida Farsamo ee dib u habaynta shaqaalaha dawladda, kaas oo si bille ah uga qabsooma caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladdu ayaa waxa guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Waxa kulanka si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka oo isaguna halkaa goobjoog ka ahaa.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka oo kulanka si rasmi ah u furay ahaa Agaasimayaasha Guud uga mahadnaqay sida ay wasaaradda ugala shaqeeyeen tababarradii ku saabsanaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay wasaaraddu wadday. Waxa uu Wasiirku sheegay in xafladdi qalin jebinta ee shaqaalihii dhamaystay tababarka Dastuurka la qaban doono Bishan gudaheeda, halkaas oo xaflad qalin jebineed loogu samayn doono 3,376 shaqaale dawladeed oo tababarkaas dhamaystay. Xafladdaas ayuu Wasiirku sheegay in ay Wasaaraddiisu si weyn u soo agaasimi doonto, si mug lehna loogu maamuusi doono ardaydaa dhamaysatay tababarrada. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaana halkaa ka soo jeedisay hannaanka ka soo qaybgalka xafladda, waxyaalaha looga baahan yahay wasaaradaha ka soo qayb gelaya iyo nidaamka baratakoolka ee xafladdaas.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa kulanka u warbixin kooban ka siiyay halka ay marayaan hawlaha ay Hay’adda Shaqaaluhu beryahanba ku hawllanayd oo ay ka mid yihiin Xeerka iyo Siyaasadda Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda, Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda, Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Shaqaalaha Dawladda loona yaqaanno (HRMIS) iyo guud marka heerka dhaqan gelinta siyaasadaha iyo hagayaasha maamulka shaqaalaha dawladda ka dib qiimayn guud oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ka soo samaysay dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale uga mahadnaqay Agaasimayaasha Guud sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Hay’adda Shaqaalaha iyo kaalinta muhiimka ah ee ay qaranka ugu jiraan, gaar ahaanna hawlaha dib u habaynta shaqaalaha dawladda.

Agaasimayaasha Guud ayaa iyaguna halkaa ka soo jeediyay wixii dood iyo aragtiyo ah ee ku saabsan qodobbada laga hadlay, gaar ahaan arrimaha ku saabsan wada shaqaynta ay la leeyihiin Hay’adda Shaqaalaha, Nidaamka HRMIS oo dhismihiisa gacanta lagu hayo, nidaamka hawl-gabka iyo arrimo kale.

#cscsomaliland2023 #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc