Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Mire Nuh ayaa agaasimay kulan lagu eegayay halka ay marayso hawsha samaynta Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Shaqaalaha Dawladda ee loo qayaano (HRMIS). Kulankan waxa goobjoog ka ahaa wefti ka socda Baanka Adduunka oo dalka ku jooga safar shaqo.

Shirkadda Sahal Tech oo gacanta ku haysa samaynta nidaamkan ayaa halkaa ku soo bandhigtay warbixin iyo muuqaallo ku saabsan waxyaalaha ilaa hadda ay dhamaystireen, kuwa ay gacanta ku hayaan iyo inta u hadhay. Waxa halkaa iyadana lala eegay wakhtiga u hadhay muddada loo qorsheeyay in ay ku soo dhamaystiraan hawshan.

Nidaamkan HRMIS ayaa ka mid ah barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee ay hagayso Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu kaas oo ay iska kaashadaan Baanka Adduunka.

Sidoo kale waxa kulanka goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo la taliyayaal u qaabilsan hawshan.

#cscsomaliland2023 #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc #Togdheer #Burao #Borama #Berbera #Lascanood #Sool #cscsl