19 June 2023 - Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Mire Nuh oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee @Wasaaradda Gaashaan Dhigga iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta ka daah furay qaybinta Kaadhka Shaqaalaha Dawladda JSL. Wasaaradda Gaashaan Dhigga ayaa noqotay wasaaraddii saddexaad ee loo qaybiyo kaadhadhka cusub ee Shaqaalaha Dawladda, yada oo laga xereeyay kaadhadhkii hore isla markaana loogu beddelay kaadhka cusub.

Ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo faahfaahin ka bixiyay kaadhka cusub ee Shaqaalaha dawladda iyo habraacyada lagu maamulayo. Sidoo kale waxa uu agaasimahu xusay in shaqaalaha dawladdu badankoodu leeyihiin shaqo-qeex iyo Masuuliyad qof kastana kaadhkiisa lagu xardhay Masuuliyaddiisa Shaqo.

Ugu danbayntii Agaasimaha Guud waxa uu xusay in qof walba oo shaqaale dawladeed ah lagula xisaabtami doono saacadaha shaqada ee ku waajibay, loona dul qaadan doonin in ay shaqaalaha qaar maalin walba yimaadaan qaar kalena aanay kaba soo xaadirin goobta shaqada, iyada oo qofkii gudan waaya waajibaadkiisa shaqo go’aan laga qaadan doono. Waxa aanu kula dardaarmay in ay shaqaaluhu akhristaan xeerka shaqaalaha dawladda si ay u gartaan waxa iyaga xaq loogu leeyahay iyo waxa ay iyagu xaq u leehiyhiin.

#cscsomaliland2023 #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc