Waxa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda shirka ansixinta warbixinta madax tirintii dhawaan ka qabsoontay inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka. Shirkaas oo ay guddoominaysay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo saraakiil kale oo ka tirsan isla Hay’adda Shaqaalaha.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixin laga diyaariyay diiwaangelintii iyo madax tirintii qaar ka mid ah hay’adaha madaxa bannaan oo xeerka shaqaalaha dawladda ee dhawaan la ansixiyay uu waajibiyay in ay hoos yimaaddaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Warbixintaas ayaa diiradda saaraysay hannaankii madax tirintu u dhacday iyo caqabadihii ka hor yimid intii ay madax tirintu socotay.

Saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha ee halkaa joogtay ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay warbixinta iyaga oo aragtidooda ku biiriyay isla markaana ansixiyay warbixinta.

#cscsomaliland2023 #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc