Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khaalid Jaamac Qodax oo ay wehelinayaan Guddoomiye ku Xigeenka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Aamina Xuseen Maxamuud ayaa guddoomiyay shirkii joogtada ahaa ee maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 
 
Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan agaasime waaxeedyada Haya’adda Shaqaalaha Dawladda iyo qaar kamid ah khubarada Barnaamijka dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda ayaa qayb ka ah kulamo joogto ah oo looga gol leeyahay dardar gelinta hawlaha shaqo ee Hay’adda Shaqaalaha. Kulankan saaka ayaa waxa lagu soo bandhigay isla markaana laga dhagaystay warbixinta hordhaca ah ee waxyaalaha u qabsoomay waax kasta iyo shaqooyinka u qorshaysan, isaga oo agaasime waaxeed waliba uu gaar u soo jeediyay warbixinta waaxda. 
 
Ugu dambayntii waxa la isla qaatay in la dardar geliyo fulinta hawlaha qabyada ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa caqabadaha hortaagan hawlqabadyadaas.