Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khaalid Jaamac Qodax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Khaalid Mire Nuux ayaa saaka guddoomiyay kulan-hawleed ay ka soo qaybgaleen dhammaan Agaasime Waaxeedyada Haya’adda Shaqaalaha Dawladda. Kulankan oo qayb ka ah kulamo joogto ah oo looga gol leeyahay dardar gelinta hawlaha shaqo ee Hay’adda Shaqaalaha ayaa saaka lagu falanqeeyay laba qodob oo kala ah: 
 
  • Soo jeedinta Warbixinta Madaxtaabashada (HR Audit) ee Shaqaalaha Dawladaha Hoose, iyo Madbacadda Qaranka 
  • Soo Jeedinta Nidaamka Maamulka Shaqaalaha Dawladda ee HRMIS 
  • Soo jeedinta Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda (Pay and Grading Policy)
 
Guddoomiyaha ayaa sheegay in fulinta hawlahan, siyaasadaha iyo hab-raacyadaasi ay aasaas u yihiin dardar gelinta hawlaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo kor u qaadista tayada maamulka shaqaalaha dawladda. 
 
Nidaamka Maamulka Shaqaalaha Dawladda ee HRMIS oo halkaa isagana lagaga dooday ayaa la isla eegay halka ay hawshiisu marayso, qaybaha uu ka koobnaanayo iyo arrimo la xidhiidha. Waxaana sidoo kale laga wada hadlay is waafajinta Xeerka Shaqaalaha Dawladda iyo Nidaamkan HRMIS. 
 
Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda ayaa iyadana la isla qaatay in waax waliba ay dib ugu noqoto, iyada oo wixii soo jeedin iyo talooyin ah ay u soo gudbiyaan cidda ay khusayso. 
 
Ugu dambayn waxa kulanka soo xidhay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, isaga oo uga mahad celiyay saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha sida firfircoon ee ay kulanka uga qayb qaateen iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay soo jeediyeen intaba.