????️ Taariikh: 15 June 2025
???? Goobta: Xarunta Dhexe ee HSHD – Hargeysa

???? Shirka Maamulka HSHD ee Joogtada ah
Maanta oo ay taariikhdu tahay 15ka June 2025, waxa si guul ah u qabsoomay shirkii joogtada ahaa ee maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda (HSHD). Shirkan oo uu guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka HSHD Mudane Xasan Xuseen Cabdi ayaa waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud Mudane Siciid Muuse Xoosh (Rooble) iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha.

✅ Qodobada Shirka:
Dib-u-habeynta nidaamka hawl-qabadka waaxyaha
Qiimaynta cabashooyinka shaqaalaha
Dardargelinta qorshayaasha kormeerka gobollada
La-socodka shaqada iyo fulinta waajibaadka hay’addu u xilsaaran tahay
Ugu dambayn, waxa shirka si rasmi ah u soo xidhay Guddoomiye Ku-xigeenka HSHD, isagoo faray dhammaan agaasimeyaasha in xal degdeg ah laga keeno qodobada kor ku xusan iyo cabashooyinka soo noqnoqday ee la xidhiidha hawlaha hay’adda.
https://www.facebook.com/CSCSomaliland/posts/pfbid02HyMGo7KU4afoFYDEDWJui2WKEQgDF2euJ2S5ndA1xCYrNhgL93jvTF3swAqrzyu4l
 

✍️ Qoraalka Waxaa Diyaariyey:

Maxamuud Maxamed Cawaale
Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Wacyigelinta
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda (HSHD), Jamhuuriyadda Somaliland

#HSHD #CSC_Som_

https://www.facebook.com/mahmoud.awaleh
https://x.com/MahmoudAwaleh
https://www.linkedin.com/in/m2awaleh/ Send your Resume [email protected]