Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka, kuna wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Agaasimaha Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda iyo saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 
 
Shirkan ayaa lagaga hadlayay sidii shaqaalaha dawladda loogu heli lahaa Caymis jaban iyo adeegyo Caafimaad oo qiimahoodu hooseeyo dalka oo dhan. Madaxda shirkan ka qayb gashay ayaa halkaa ku lafaguray samaynta nidaam ku habboon oo shaqaalaha dawladda iyo eheladooduba ay ku heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo jaban iyo caymis. 
 
Hawshan ayaa waxa si wada jir ah uga wada shaqayn doona Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Hay’adda Caymiska Qaranka, iyaga oo isla qaatay in la dejiyo istiraatiiyaddii hawshaas lagu hirgelin lahaa mustaqbalka dhow, isla markaana la joogteeyo shirarka noocan ah si dhamaystirka hawshani u noqdo mid taabbo qaada.