SIYAASADDA SHAQO-ABUURKA QARAN EE SOMALILAND

Muddadii ay Hay'adda Shaqaalaha Dawladdu wadday barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda waxa la curiyay siyaasado, xeerar iyo hagayaal badan oo qaranku ku shaqeeyo, kuwaas oo aasaas u ahaa dib u habaynta hay'adaha dawladda iyo shaqaalahaba. 
 
Halkan waxa aad ka arki kartaa siyaasadahaas, xeerarkaas iyo hagayaashaas la curiyay oo qaarkoodna dhaqangal yihiin maanta, qaarna ay ku jiraan hannaankii ansixinta oo dhawaan la filayo in ay dhamaystiranto. 
 
Qaarkood waxa lagala shaqeeyay wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda ee ay khusayso, halka kuwa kalena ay Hay'adda Shaqaaluhu u madax bannaanayd curintooda iyo dhaqan gelintoodaba.