Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Jama Qodax ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Baanka Adduunka oo booqasho ku yimid Somaliland. Guddoomiyaha ayaa uga mahadnaqay weftiga wada shaqaynta ay la leeyihiin Hay’adda shaqaalaha isla markaana warbixin kooban ka siiyay halka uu marayo barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda oo ay labada dhinac iska kaashadeen.

Weftiga ayaa Guddoomiyaha iyo Dawladda Somalilandba uga mahad celiyay soo dhawaynta iyaga oo sheegay in inta ay joogaan ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Hay’adda Shaqaalaha dawladda iyo madax kale oo ka tirsha dawladda Somaliland.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Baanka Adduunka ayaa iska kaashaday barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda, kaas oo ay fuliso Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu qaybna ka ah qorshaha Hay’adda Shaqaalaha ee horumarinta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda.

Inta uu weftigu joogo ayay labada dhinac ka wada hadli doonaan halka uu marayo barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda, caqabadaha jira iyo sii wadista wada shaqaynta labada dhinac ee mustaqbalka dhow.