Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxa la asaasay sannadkii 1993 iyada oo
aasaaskeedu waafaqsan yahay Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland . Hay’addu waxa
ay u taagan tahay dhismaha, tayaynta, tababarka, daryeelka, xaqsiinta iyo dabagalka shaqada iyo
shaqaalaha dawladda guud ahaan si shaqada iyo adeegyada bulshadu u noqdaan kuwo sarreeya
una noqdaan shaqaaluhu kuwo udub dhexaad u ah horumarka guud ee qaranka.