Kulan lagu daah-furayay Qiimaynta iyo Qaabaynta Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Xogta Shaqaalaha Hawlgabka ayaa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Kulankankaasi oo uu si rasmi ah uu u furay Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo qoyska iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ayaa waxa ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda iyo masuuliyiin kale. 
 
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa halkaas kaga hadlay muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay qaranka gaar ahaan shaqaalaha hawlgabka iyo in nidaamkani uu qayb ka yahay xeerka iyo siyaasadda hawlgabka ee dhawaan ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen. Guddoomiyuhu waxa uu u mahadnaqay cid kasta oo ka soo shaqaysay hawshan haddii ay noqoto mid farsamo ama mid maamulba. 
 
Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay nidaamka hawlgabka qaranku iyo in ay tani tahay tallaabo hore loogu qaaday dhinaca dawladnimada maadaama aynu yeelanay nidaam hawlgab oo rasmi ah. Waxa uu Wasiirku masuuliyiintii halkaa joogtay ku boorriyay in ay kala shaqeeyaan Hay’adda Shaqaalaha sidii nidaamkaas loo hirgelin lahaa.
 
Masuuliyiinta kale ee halkaa ka hadashay ayaa sheegay in tani ay tahay fursad qaali ah oo u baahan in laga faa’idaysto. Khubarrada kala shaqeyn doontaa Hay’adda nidaamkan casriyeynta Hawlgabka ayaa iyaguna madasha ka hadlay kuna dheeraaday inay si hagar la’aan ah hawshaasi u fulin doonaan.
Nidaamka Casriga ah ee Maamulka Xogta Shaqaalaha Hawlgabku waxa uu noqonayaa ka ugu wayn ee xagga maamulka Hawlgabka si loo gaadho ujeeddooyinkii laga lahaa,waana mid ku dhisan hannaanka Tiknoolajiyada Casriga ah, kaas oo ku xidhan xog-kaydiye loogu talagalay.