Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission Mudane Khalid Jama Qodax oo ay weheliyaan guddoomiye xigeenka Ameina Hussein Agaasimaha guud Khalid Mire Nuh iyo Komishineer Mustafe Mohamed Awil waxaa maalintii labaad u socda shirka diyaarinta qorshaha Sannadka 2023-ga ay ku shaqayn doonto Hay’addu, iyo sidoo kale dib u eegista qorshihii Sannadkii hore ee 2022-ga. Sidoo kale waxa lagu lafo-gurey qorshayaashii wixii qabsoomay iyo wixii aan qabsoomin. Waxaa dhammaan kawada qayb qaadanaya qorshaha sannadka shaqaalaha Hay’adda Shaqaalaha oo maanta insha allah Ku hawlanaan doona sidii qorshuhu u noqon lahaa mid qurux-badan oo Hirgala.
#cscsomaliland2023 #somalilandpost #Hargeisa
#hargeisa_somaliland #facebookphotography
#success #socialmedia #somalilanders