Waxa maanta ku qabsoomay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha shirkii Guddiga Farsamo ee Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee dawladda waxa guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Khaalid Jaamax Qodax.