Xafladda Abaal-marinta Heer-qaran ee Agaasimeyaasha Cudduda Shaqaalaha Dawladda.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, waxay si xushmad iyo qadarin leh idiinku marti-qaadaysaa kasoo qayb-galka Xafladda Abaal-marinta Heer-qaran ee Agaasimeyaasha Cudduda Shaqaalaha Dawladda. Munaasibaddan oo lagu maamuusi doono, Agaasimeyaasha Waaxyaha Cudduda Shaqaalaha ee Wasaaraddaha/Hay’addaha iyo Wakaaladdaha Dawladda.

Masuuliyiintaas oo muujiyay; karti, deddaal iyo hawl-karnimo dheeraad ah. Kuna mutaystay, inla xuso lana dhiiri-geliyo sida hufnaanta leh ee ay u guteen waajibaadayadda qaran ee ay u idman yihiin.

Munaasibaddu waxa ay ka qabsoomi doontaa, Hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.