Tartanka Kubadda Cagta ee Shaqaalaha Dawladdaha

Maant oo Taariikhdu tahay 24 August 2023 Waxa lagu qabtay Hallka HSHD Xafladda Qori-tuurka isku aadka kooxaha Tartanka Kubadda Cagta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda
 
Waxaana ka qayb galaya 32 Kooxood oo matalaya Hay'addaha dawladda ka mid ah ayaa ku tatami doona cupka loo qabanayo Wassaraddaha iyo Hay'adda dawladda oo ay ciyaaraan keliya shaqaalaha dawladda tartankan waxaa iska kaashanaya Hay'adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wassaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo xidhiidhka kubada cagta ee somaliland
 
Waxa kasoo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Mire Nuux oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane Abdirashid Aideed Yasin iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Fu'aad Axmed Cali Iyo dhamaan Agaasime waaxeedada Cududda Shaqaalaha Ee Wasaaradaha iyo hay'addaha Dawladda.
 
#cscsomaliland2023 #HSHD #cscsomaliland #SLCSC #somalilandcsc #Togdheer #Burao #Borama #Lascanood #Sool #cscsl