Hambalyo, Hambalyo
Hambalyo, HambalyoGuddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, ka Guddoomiye Ku-xigeenka HSHD, ka Agaasimaha Guud iyo dhammaan shaqaale-weynaha HSHD; wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mas’uuliyiinta kala duwan ee shalay oo taariikhdu ahayd 17kii Juun 2025 uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi u magaacabay xilalka kala duwan. Waxa u sigaara ah u hambalyeynayaa masuuliyiinta kala ah;
1. Mudane Saleebaan Maygaag Obsiiye, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda JSL,
2. Marwo Aamina Axmed Furre Siciid, Xubin kamid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL,
3. Mudane Maxamuud Siciid Cadaad, Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda JSL.
Guddoomiyuhu wuxu u rejaynayaa mas’uuliyiintan in Ilaahay SWT xilalkaas ku asturo, kana yeelo kuwii kartidooda iyo hawlkarnimadooda ugu adeega Qaranka.
Allaa Mahad leh
-
3. Mudane Maxamuud Siciid Cadaad, Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda JSL.View
-
1. Mudane Saleebaan Maygaag Obsiiye, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda JSL,View
-
2. Marwo Aamina Axmed Furre Siciid, Xubin kamid ah Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL,View