Ujeeddo: Fasaxa Munaasibadda Ciid Al-Adxa.

???? CIID AL-ADXA – FASAX RASMIGA AH

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

Ku: Dhamaan Shaqaalaha Dawladda, Warbaahinta Qaranka, iyo Shacabka Somaliland

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyadoo ka duulaysa Xeerka Shaqaalaha Dawladda (Xeer Lr. 97/2022), Qodobkiisa 64aad, waxa ay si rasmi ah u shaacinaysaa fasax labo maalmood ah oo ku beegan Sabti & Axad, 07–08 Juun 2025, oo ah munaasibadda Ciid Al-Adxa.

???? Maadaama maalinta koowaad ee Ciidda ay ku beegantay Jimce (fasax caadi ah), shaqaalaha dawladda waxa ay helayaan fasaxa labada maalmood ee ku xiga.

????️ Shaqada dib ayaa loogu soo noqonayaa Isniinta, 09/06/2025.

???? Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Xasan Xuseen Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaca hay’adda iyo dhammaan shaqaalaha HSHD, waxa uu u dirayaa:

???? Hambalyo ku aaddan Ciid Al-Adxa dhammaan shaqaalaha dawladda, eheladooda, asxaabtooda iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Ciid Mubaarak | Ciid Wanaagsan | Ciid Nabadgelyo leh

#CiidAlAdxa #FasaxRasmiAh #HSHD #ShaqaalahaDawladda #Somaliland #JSL #CiidWanaagsan