
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Kormeer Shaqo Ku Tagtay Gobolka Awdal
???? Borama, Gobolka Awdal | 29 May 2025
Wafti sare oo ka socda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka HSHD Mudane Xasan Xuseen Cabdi iyo Agaasimaha Guud Mudane Siciid Muuse Xoosh (Rooble), ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabay kormeer shaqo magaalada Boorama.
???? Kormeerka waxa uu diiradda saaray:
-
Kulan is-xogwaraysi ah oo lala yeeshay Badhasaabka Gobolka Awdal
-
Kormeerid ku saabsan saacadaha shaqada iyo habsami u socodka adeegyada
-
Qiimayn lagu sameeyay xarumaha dawladda ee heer gobol
-
Dhiirrigelin ku saabsan wada-shaqaynta iyo hufnaanta adeegyada dawladda
Kormeerkan waxa uu qayb ka yahay qorshaha qaranka ee HSHD, oo lagu xaqiijinayo tayada adeegyada dadweynaha.
???? Sawirro dheeraad ah ka daawo hoos…
????https://photos.google.com/share/AF1QipO89gfaINaBHh01Ee_kBwNy9rpCLXXrk_tOFwzc5Jlni1S4uEwF0Y9UsijC2hfQuQ?pli=1&key=LUdMVzluOVNJb2VpQkpScnVhbWlJREI3RlY0U1V3
#HSHD #CSC_Somaliland #Borama #Awdal #KormeerQaran #ShaqaalahaDawladda