Tobabarka Nidaamka Casriga ah ee Maaraynta Cudduda Shaqaalaha Dawladda loona yaqaano (HRMIS)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Mirre Nouh ayaa furay tababar loo qabanayay Agaasimayaasha Cududda Shaqaalaha ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dawladda kaas oo ku saabsanaa Nidaamka Casriga ah ee Maaraynta Cududda Shaqaalaha loona yaqaanno (HRMIS). Furitaanka Tababarkan ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay Maamulaha Barnaamijka Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda, saraakiil ka socota shirkadda Sahal Tech iyo Masuuliyiin kale. 

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay maamulka shaqaalaha dawladda iyada oo tababarkanina uu qayb ka yahay hirgelinta nidaamkan oo ay Hay’adda Shaqaaluhu in muddo ahba ka soo shaqaynaysay. Agaasimuhu waxa uu sheegay in marka Agaasimayaashu ay tababarkan dhamaystaan ay si rasmi ah ugu shaqayn doonaan iyaga oo shaqaalaha kale ee wasaaradahana ku sii tababari doona. 

Hirgeinta nidaamkan Maamulka shaqaalaha dawladda ee HRMIS waxa uu qayb ka yahay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee ay Hay’adda Shaqaaluhu hagayso kaas oo gacan weyn ka gaysan doona hufnaanta iyo daah-furnaanta hannaanka maamul ee shaqaalaha dawladda sida saacadaha shaqada, fasaxyada, shaqaalaysiinta, shaqo ka saarista, dallacaadda, iyo wixii la midka ah.