Imtixaanka Macalimiinta ku meel-gaadh ka ah ee Gobolka Saaxil

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Dr. Ahmed Aden Buuxane iyo Gudoomiyaha Hay'adda shaqaalaha dawladda Khalid Jaamac qodax, oo ay weheliyaan gudoomiye ku/xig Hay'adda Badhasaabka G. Saaxil iyo ku/xig Duqa degmada Berber, Ayaa Maanta si rasmiya u daahfuray imtixaan Daahfuran oo Hay'adda Shaqaalahu ka qaaday Macalimiinta Ku meelgaadhka ah ee Wassaradda Waxbarashada iyo Sayniska Gobolka Saaxil. Imtixaanka waxa u fadhiistay 201 oo ka Kala socday labada degmo doorasho ee Gobolka Saaxil.