AGAASIMAHA GUUD EE HSHD AYAA WASAARADDA MAALGASHIGA KALA QEYB-GALAY ABAAL-MARINTA 8-DII SHAQAALE EE UGU HAWL-QABADKA WANAAGSANAA SANNADKII 2020-KII

AGAASIMAHA GUUD EE HSHD AYAA WASAARADDA MAALGASHIGA KALA QEYB-GALAY ABAAL-MARINTA 8-DII SHAQAALE EE UGU HAWL-QABADKA WANAAGSANAA SANNADKII 2020-KII
Hargaysa:(CSC)-Munaasibadda oo ka qabsoomtay Xarunta Wasaaradda Maalgashiga ayaa waxa kasoo qeyb-galay Wasiirka Wasaaraddaasi,Agaasimihii hore ee Wasaaradda iyo shaqaaale-weynaha Wasaaradda Maalgashiga.
Dhinaca Hay’adda shaqaalaha ayaa wax aka qeyb-galay Agaasimaha Guud HSHD,Agaasimaha Waaxda qiimaynta hawl-qabadka iyo Ku-Xigeenkiisa.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda,Maxamed Geedi Caynaanshe,ayaa bogaadiyay hanaanka loo maray Qiimaynta shaqaalaha Wasaaaradda Maalgashiga,waxaana uu intaas raaciyay qiimaynta lagu samaynayaa qofka shaqaalaha ahi daaha-ka-rogayso himilada iyo higsiga qofka shaqaalaha ah.“Qiimayntu waxay marag-ka-tahay inuu qofku rabo inuu hore-u-socdo. Waxa kale oo ay markhaati ka noqonaysaa inay shaqaale-weynaha Wasaaraddu isku-daydaan. Waxaan aad uga mahad-celinayaa qaabka wanaagsan ee ay ilbax-nimadu ku jirto ee loo dhiiri-galinayo shaqaalaha Qaranka”.
Dhinaciisa agaasimaha Waaxda Qiimaynta hawl-qabadka shaqaalaha ee HSHD,Saleebaan Maygaag Obsiiye,ayaa isna ku-bogaadiyay hanaanka daah-furnaanta ah ee ay Wasaaraddu u qiimaysay shaqaalaheeda iyo siday u dabaqday Siyaasadihii iyo Habraacyaddii ay Hay’addu dejisay.