Ansixinta Xeerka Hawl-gabka Shaqaalaha Dawladda

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyay Xeerka iyo Siyaasadda Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda Somaliland kaas oo ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu curisay isla markaana in moddo ahba laga shaqaynayay dhamaystirkiisa. 
 
Xeerkan iyo Siyaasaddan ayaa qiimo aad u wayn ugu fadhiyaa Qaranka waana markii ugu horraysay ee shaqaalaha dawladda ay yeeshaan nidaam hawlgab oo kafaalo qaadaya dadka gaadhay da’da Hawlgabka isla markaana waxa uu nidaamkani fursad siinayaa dhalinyarada wax baratay oo buuxin doona kaalmaha ay banneeyaan dadka Hawlgabka noqday. 
 
Curinta iyo dhamaystirka xeerkan iyo siyaasaddan ayay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu la kaashatay khubaro muwaadiniin ah, qaar caalami ah, madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, waana mid ka mid ah guulaha ay gaadhay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu. 
 
Dhawaan ayay Golaha Wasiirradu sidoo kale ansixiyeen Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda oo ay iyadana hagaysay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu. 
 
Haya’dda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay hambalyo u diraysaa dhamaan shaqaale weynaha dawladda meel kasta oo ay joogaan, waxaanay sidoo kale u mahadnaqaysaa Golaha Wasiirrada oo ansixiyay iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ku hagayay aragtidiisa iyo hoggaamintiisaba.