Barasha Dastuurku waxa ay muhiim u tahay bulshada oo dhan

Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhamaan shaqaalaha dawladda ee dhamaystay, maantana ka qalin jebinaya barashada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.  

Barasha Dastuurku waxa ay muhiim u tahay bulshada oo dhan, waxaanay si gaar ah muhiim ugu tahay shaqaalaha dawladda si ay u bartaan waxa iyaga xaq loogu leeyahay iyo waxa ay iyagu xuquuq leeyihiin, taas oo ka caawinaysa in ay dadkooda ugu adeegaan sida ugu habboon. 

Maadaama uu Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland yahay ka hagaya dawladnimadeenna, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay ku hambalyaynaysaa Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurku in ay hawshaas dhexda u xidhatay isla markaana ay wakhti iyo dadaalba ku bixisay barashada dastuurka.