dib u eegista warbixinta hawl-qabadka sanadka 2023ka

26 November 2023 Waxa Maanta hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ka qabsoomay shirkii joogtada ahaa ee maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 
 
Kulankan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Khalid Jama Qodax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa waxa lagaga wada hadlay:
 
Warbixin ku saabsan dib u eegista qorshe-hawleedka sanadlaha ah ee Sanadka 2023, kaas oo lagu lafaguray wixii qabsoomay iyo wixii caqabado ah ee ka hor yimid. 
 
Soo jeedinta warbixinta qiimaynta siyaasadaha iyo qaab-dhismeedka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda oo lagu falanqeeyay heerka dhaqan=gelinta siyaasadahaas iyo dhamaystirka qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. 
 
 
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa isaguna sharraxaad ka bixiyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta dabagalka hawl-qabadka isaga oo u mahad celiyay cid kasta oo fulisay qorshaheedii hawl-qabadka kuna qabatay muddadii loo qorsheeyay. 
 
Ugu dambayn, waxa shirka si rasmi ah u soo xidhay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, isaga oo kula dardaarantay masuuliyiinta shirka ka soo qayb gashay sidii loo xoojin lahaa la xisaabtanka shaqaalaha isla markaana la joogteeyo kormeerka iyo sugnaanta xaadiriska shaqaalaha dawladda.