Guddoomiyaha Haay'ada shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax oo uu wehelinayo agaasimaha Guud ee Haay'ada, Maxamed Geeddi Caynaanshe, ayaa Habeenkii xalay magaaladda Hargeysa uga Furay Agaasime-waax

Guddoomiyaha Haay'ada shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax oo uu wehelinayo agaasimaha Guud ee Haay'ada, Maxamed Geeddi Caynaanshe, ayaa Habeenkii xalay magaaladda Hargeysa uga Furay Agaasime-waaxeedyada iyo madax-xafiiseedyada HSHD Kulan lagu soo bandhigayay casri-yaynta iyo fududaynta adeeg-bixinta Haay'ada shaqaalaha, oo lagu qabtey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Khabiir Cabdirisaaq Aadan oo ah La-taliye dhinaca horumarinta Cududda shaqaalaha ayaa halkaas kusoo bandhigay nuxurka war-bixinta, iyada oo halkaas laysku dhaafsaday aragtiyo xoojinaya sidii Haay'ada shaqaalahu u noqon lahayd adeeg-bixiye casri ah oo si fudud uga gudbaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay qaranka masuul uga tahay. Dood iyo faallooyin dhaadheer ka dib waxa laysku raacey in la hirgaliyo habraacyada iyo haggayaashii madasha lagu soo bandhigey.
@CSC MEDIA SECTION