GUDDOOMIYAHA HAY'ADA SHAQAALAHA AYAA KULLAN LA-QAATAY KOMISHANKA HAY'ADA.

GUDDOOMIYAHA HAY'ADA SHAQAALAHA AYAA KULLAN LA-QAATAY KOMISHANKA HAY'ADA.
Hargaysa:(CSC)- Guddoomiyaha Haay'adda shaqaalaha Dawladda, Khaalid Jaamac Qodax oo kulamo Xog-is-dhaafsi dhinaca shaqada la qaadanayay qeybaha kala duwan ee Haay'adda shaqaalaha Dawladda ayaa Maanta kullan la-qaatay Komishanka Haay'adda oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Haay'adda shaqaalaha ahna Xog-hayaha Guddiga Haay'adda shaqaalaha.
Guddoomiye Khaalid, ayaa la wadaagay Xubnaha Komishanka qorshiisa hawl-qabad ee uu doonayo inuu Haay'adda ku hoggaamiyo inta uu Xafiiska joogo.
Dhinacooda Guddiga Haay'adda shaqaalaha ayaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha, waxaanay ballan-qaadeen inay si hagar la'aan ah ula shaqayn doonaan.
@CSC MEDIA SECTION