Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa saaka xafiiskiisa kulan la qaatay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa saaka xafiiskiisa kulan la qaatay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. Guddoomiyaha waxa kulankaas ku wehelinayay saraakiisha Barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee Hay’adda Shaqaalaha.
Kulankan oo ahaa mid isugu jiray is barasho iyo xog waraysi, ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu warbixin kooban ka siiyay arrimaha la xidhiidha dib u habaynta shaqaalaha dawladda, wixii qabsoomay iyo halka uu imika marayo. Waxa kale oo lagaga wada hadlay hawlaha ay sida joogtada ah uga wada shaqeeyaan Wasaaradda iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyo dhamaystirka barnaamijka dib u habaynta shaqaaha dawladda oo uu Wasiirku uga wakiil yahay Madaxweynaha.
Guddoomiyaha ayaa Wasiirka uga mahadnaqay wakhtigiisa iyo soo jeedimihiisaba intii uu kulanku socday. Sidoo kale, Wasiirka ayaa Guddoomiyaha uga mahad celiyay warbixinnada uu ka siiyay shaqooyinka socda, iyada oo la isla qaatay in si joogto ah looga wada shaqeeyo tayaynta iyo horumarinta shaqada iyo shaqaalaha dawladda.