Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda, Xubno ka mid ah golaha Wasiiradda Somaliland, Xildhibaanno ayaa ka qeyb-galay Munaasibad Lagu abaal-marinayay shan qof oo laga soo xulay guud ahaanba dalka.

Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda, Khaalid Jaamac Qodax, Xubno ka mid ah gollaha Wasiirradda Somaliland, Xildhibaanno, iyo marti-sharaf kale ayaa ka qeyb-galay Munaasibad Lagu abaal-marinayay shan qof oo laga soo xulay guud ahaanba dalka, kuwaas oo ka-kala tirsan Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Waxbarashadda.
Shaqsiyaadkan ayaa waxa u codeeyay Dad ka badan 77,000 (Todoba iyo Todobaatan kun ) oo qof. Abaal-marintan ayaa waxa iska kaashaday Hay'adda Shaqaalaha Dawladda, Hay'adda Accountability-Lab, Iyo ISIR.