Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka mid ahaa Masuuliyiin Maanta lagu Hor Dhaariyay Madaxweynaha Jsl Mudane Muse Bixi Cabdi

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey, masuuliyiin ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.
Masuuliyiintan waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane, Khaalid Jaamac Qodax iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Marwo Aamina Xuseen Maxamuud labadaba ay dhawaan Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen codadkii ugu badnaa.
Dhaarta kaddib, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu la dardaarmay xubnaha la dhaariyey, waxana uu ugu duceeyey inuu Eebbe ku asturo xilalka qaran ee ay hayaan, isagoo u muujiyey inuu kalsooni badan ku qabo isaga oo ugu duceeyay in xilkaas Ilaahay ku asturo sheegayna in ay sidaas ku dhamaystirantay sharciyaddii ay masuuliyadda ku qaadayeen.