GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA HSHD AYAA TABABAR U FURTAY AGAASIME-WAAXEEDYADDA IYO MADAX-XAFIISEEDYADDA HAY’ADDA

Hargaysa:(CSC)- Tababarkan oo ay soo agaasimtay Waaxda Qorshaynta ee Hay’adda shaqaalaha Dawladdu ayaa waxa Guddoomiyaha ku wehlinayay agaasimaha guud ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda Maxamed Geeddi Caynaanshe, waxaana tababarkaas kasoo xaadiray guud ahaan agaasime-waaxeedyadda, madax-xafiiseedyadda iyo madax-qeybeedyadda Hay’adda shaqaalaha dawladda, waxaana Waaxaha Hay’adda lagu tababarayay nidaamka cusub ee loo dejinayo qorshaha Sannadka soo socda ee 2022-ka. Nidaamkan cusub ayaa waxa soo diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta qaranka.
Ugu horreyn, waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha waaxda qorshaynta Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Cabdiraxmaan Xasan Waayeel, waxaana uu sharaxaad dheeri ah ka bixiyay Nidaamkan casriga ah ee loo raacayo diyaarinta qorshe-sannadeedka waaxyaha iyo muhiimadda ay leedahay inay agaasime-waaxeedyadu si faah-faahsan u fahmaan.
Dhinaciisa Agaasimaha Guud ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Maxamed Geeddi Caynaanshe, ayaa ku bogaadiyay agaasime-waaxeedyada Hay’adda shaqada balaadhan ee ay Qaranka u hayaan, maadama Hay’adda shaqaaluhu ay ku hawlan tahay horumarinta guud ahaanba shaqaale-weynaha Dawladda.
Waxa kale oo uu Agaasimuhu kula dardaarmay Waaxyaha Hay’adda inay Waaxda Qorshaynta u gudbiyaan war-bixinaha hawl-qabadka sannadlaha ah xilliga ku habboon.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda shaqaalaha Dawladda, Aamina Xuseen Maxamuud oo tababarkaas halka cisho ah si rasmi ah u furtay ayaa sheegtay in sababta loo beddelaayo nidaamkii hore ee diyaarinta qorshe-hawleedyadda Laamaha dawladda ay tahay iyada oo wasaarad iyo Hay’ad walba samaysatay mid gaar ah, isla-markaasna ay muhiim noqotay inay Wasaaradda Qorshayntu diyaariso nidaam guud oo laysla waafaqsanyahay.
Gabo-gabaddii, waxay guddoomiye ku-xigeenku sheegtay inay rejaynayso in qorshaha sannadkani uu ka duwaanaan doono kii sannadkii hore, iyada oo la tix-raacayo higsiga horumarinta shanta sanno ee Hay’addu hore u meel-marisay.